4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 11, 2021
Puntland oo ka jawaabtay cabasho laga muujiyay dad lagu xukumay dil toogasho oo Shabaabnimo ku eedeysan
 

Axad, Luulyo, 11, 2021 (HOL) - Puntland ayaa sheegtay dad dhawaanahaan ka cabanayay dhalinyaro lagu xukumay dil toogasho ah oo ku eedeysan falal isugu jira dil iyo qaraxyo, in ay soo adeegsadeen  Alshabaab.

Guddoomiyaha gobolka Mudug, Cabdiladiif Muuse Noor iyo taliyaha xabsiga gobolka Mudug, gaashaanle sare Aadan Nuur Qaal, ayaa warbaahinta ka sheegay in ay dadkaasi dabada kasoo riixayaan kooxda Alshabab kuna qasbayaan in ay difaacaan dad lagu helay dambiyo cad cad oo qiraal ah.

Waxay sheegeen ujeedada laga leeyahay in ay tahay in dadka la iska horkeeno oo shaati qabiil loo galiyo dadaalka ay Puntland ku bixinayso in caddaalada la marsiiyo dambiilayaasha Shabaabka ee dadka ku layn jiray gobolka Mudug, sida ay sheegeen.

Masuuliyiinta waxay sheegeen in xabsiyada Gaalkacyo lagasii daayay dad boqolaal kor u dhaafaya oo isugu jira qabiil walba , kadib markii lagu waayay wax dambi oo ah ay geysteen.

Guddoomiyaha gobolka Mudug Sanyare, wuxuu sheegay cid kaste oo isku dayda in ay Shabaab ku difaacaan shaati qabiil ay lamid yihiin iyaga islamarkaana isku si’ ula dagaalami doonaan.

Taliyaha xabsiga dhexe ee gobolka Mudug gaashaanle sare Aadan Nuur Qaal, wuxuu beeniyay habo yaraatee in wax jirdil ah loo geystay eedeysanayaasha. Balse ay afkooda ku qirteen dambiyada ay galeen iyo weliba meelaha ay ku galeen.

Puntland waxay sheegtay in dad labo kun oo qof ah oo kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug ay dilalkooda ka dambeeyaan dadkii dhawaan dilka lagu xukumay iyo kuwa lagu fuliyay dilkaas oo gaarayay 18 nin.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online