4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 1 , 2021
Faysal Cali Waraabe "1 Luuliyo Somaliland maalin madow ayay utahay"
 

Khamiis, Luulyo1, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Somaliland xornimadeeda wayday 1 July.

Faysal ayaa sheegay in 1 July shacabka Somaliland utahay maalin madow.

"1 July waxay shacabka Somaliland u tahay maalintii hooga iyo maalintii madoobayd" ayuu yidhi.

"Waa maalintii shacabka Somaliland hoos galeen maamul iyo dowlad juhalo ah" ayuu hadalkiisa ku daray.

Faysal ayaa sheegay in 1 July anay ahayn maalin Somaliland wax xidhiidha la leh.

"SYL Somaliland shaqo kumay lahayn sida uu sheegay ninkan aqligiisu ilamaha 5 jir ka ah yahay ee Farmaajo" ayuu yidhi.

"SYL Somaliland mamnuuc ayayba ka hayd" ayuu hadalkiisa ku daray.

Maanta oo ah 1 July ayaa ah maalintii ay Talyaaniga ka xorowday Soomaliyadii koonfureed, isla markana la midowday Somaliland tii ingiriiska ka xorawday.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiraan Online
[email protected]