4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 1 , 2021
Madaxweynaha Soomaaliya oo Ubax dhigay Taallada Halgamayaashii Soomaaliyeed ee SYL


Khamiis, Luulyo 1, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maamusaya Xuska Maalinta Xorriyadda iyo Midnimada ee 1-da Luulyo ayaa ubax lagu maamuusayey gobanimada, midnimada iyo geesiyaashii naftooda u huray halgankii gobonnimo doonka dalkeenna dhigay Taallada SYL.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in Taallada SYL ay ka mid tahay xusuusaha halgankii dadka Soomaaliyeed ay iskaga dulqaadeen heeryadii gumeysiga ayaa halkaas xus iyo duco ugu sameeyey dhallinyaradii 13-ka ahaa ee horseeday xornimada iyo midnimada dalka, iyaga oo naf iyo maal ba u soo huray Gobanimadeenna.

Kaddib markuu Ubaxa dhiggay Taallada SYL, Madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu usii gudbay Tiyaatarka Qaranka oo ay ka socoto Munaasabad ballaaran oo lagu xusayo Maalinta Xorriyadda iyo Midnimada ee 1-da Luulyo, isaga halkaas khudbad ugu jeedinaya shacabka Soomaaliyeed.

Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan gobolada dalka Soomaaliya ayaa Xalay iyo Maanta waxaa si weyn looga dareemaya u dabaaldega maalinta qiimaha badan ee 1-da Luulyo oo maanta ku beegan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]