4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 31, 2021
Jenaraal Maxamed Nuur Galaal oo ka mid noqday dadka ku dhintay weerarka Hotel Afrik
 

Axad, Janaayo, 31, 2021 (HOL) - Allah u naxariistee waxaa goordhaw la xaqiijiyay inuu geeriyooday Jenaraal Maxamed Nuur Galaal kadib weerar galinkii dambe ee maanta Al-shabaab ku qaadeen Hotel Afrik janaraalka oo ka mid ahaa Sarakiishii hore ee dowladda Soomaaliya.

Geerida Jenaraal Maxamed Nuur Galaal waxaa bartiisa Facebook ku xaqiijiyay Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo aay qaraabo yihiin, Jenaraalka ayaa ka mid ahaa dadkii ku jiray gudaha Hotelka xiligii uu weerarka bilaawday kuna dhex go'doomay waxaana la sheegay in dalableydii Hotelka gashay ay toogteen Jenaraalka.

Ma jirto ilaa hadda war rasmi ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Soomaaliya oo xaqiijinaya tirada rasmiga ah ee ku dhimatay weerarka Hotel Afrik ee magaalada Muqdisho.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]