4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 29, 2021
Wasiirka Amniga Jubbaland oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah dowladda Soomaaliya

Jimco, Janaayo, 29, 2021 (HOL) - Wasiirka amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa si rasmi ah ugu hanjabay dagaal toos ah oo aay ku qabsanayaan magaalada Baled-xaawo ee gobolka Gedo xili maanta ay kulan xasaasi ah wada qaateen isaga iyo masuuliyiinta maamulka gobolka Gedo ee dhinaca Jubbaland.

Wasiirka amniga Jubbaland ayaa sheegay iney si deg deg ah aay dib ugula wareegayaan degmada Baled-xaawo oo ay gacanta ku hayso dowladda Soomaaliya, waxuuna ugu baaqay shacabka ku nool Baled-xaawo iney isaga baxaan magaalada oo aay aadan meeshii ay ku nabad hali karaan maadama aay magaaladu weerar ku yihiin.

Cabdirashiid Janan ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeyay iney maamulka Jubbaland ku hayso faragelin iyo dagaal daandaansi ah isagoo si gaar ah arintaasi ugu sii eedeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

"Dowladda waxaay colaad iyo iska horkeen ka wada gobolka Gedo iyo guud ahaan maamulka Jubbaland" ayuu yiri Wasiir Cabdirashiid Janan

Dowladda Soomaaliya ayaa iyadu sheegtay in ciidanka uu hoggaaminaayo Wasiirka amniga Jubbaland aay yihiin maleshiyaad hubeysan oo aay dowladda Kenya gadaal ka taagan tahay iyadoona dowladda Kenya ay iska fogeeysay eedeynta ah iney abaabuleyso ciidanka Baled-xaawo kula dagaalamayo dowladda Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]