4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 26, 2021
Ururka Midowga Africa oo ka hadlay xiisada xudduuda labada dal Soomaaliya iyo Kenya

 

Talaado, Janaayo, 26, 2021 (HOL) - Ururka midowga Africa ayaa war uu soo saaray ku sheegay in uu ka walaacsan yahay xiisada ka soo cusboonaatay xadka labada dal Soomaaliya iyo Kenya oo bilihii ugu danbeeyayba xiriirkoodu wanaagsaneyn.

Qoraal uu soo dhiggay boggiisa Twitter -ka ayuu guddoomiyaha midowga Africa Moussa Faki Mahamat  waxaa uu ka dalbaday labada dowladood in ay xiisada dajiyaan wixii khilaaf ah ee jirana laga wada hadlo.

''Waxaan si taxaddar leh ula socnaa xiisadaha ka taagan xadka Kenya iyo Soomaaliya, waxaanan ka codsaneynaa labada dal ee dariska in ay is xakameeyaan oo ay wadahadal ka galaan khilaafka ka dhax jira si waafaqsan  hannaanka Urur gobolleedka IGAD Nabadda xadka Kenya iyo Soomaaliya ayaa muhiim u ah xasiloonida gobolka.'' ayuu yiri Moussa Faki.

IGAD ayaa horay uga dhex waday labada dowladood ee Kenya iyo Soomaaliya waan la xiriirta sidii loo dhameyn lahaa khlaafka jira , balse wali wax heshiis ah lagama gaarin arrimaha u dhaxeeya labada dowladood.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]