2/26/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 22, 2021
Khadiijo Maxamed Diiriye '' Farmaajo waa madaxweynaha kaliya oo ay caddahay in uu mar kale dib u soo noqonayo


 

Jimco, Janaayo, 22, 2021 (HOL) -  Wasiirka Wasaarradda Gargaarka Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye si cad u sheegtay in madaxweyne Farmaajo yahay madaxweynaha kaliya ee isaga oo aan muddo xileedkiisa dhameysan ay caddahay in mar kale dib loo dooranayo.

Khadiijo Diiriye oo dhinaca kalana ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa hadalka ka sheegtay wareysi uu la yeeshay TV Somalia Cable, waxaana  ay ku amaantay madaxweyne Farmaajo in muddadii 4 sano aheyd uu wax badan qabtay.

Wax yaabaha ay ku amaantay madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah in uu wax ka qabtay arrimaha bulshada,dhaqalaha ,ciidanka  iyo cadaallada iyada oo sheegtay in dib u dhis ballaaran oo dhinaca jidadka ah la sameeyay muddadii uu xilka hayay.

Mar laga soo tago hadalka Wasiir Khadiija dhinaca kale waxaa jira eedeymo culus loo jeedinayo dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la leeyahay waxaa ay ku fashilantay howlihii loo idmaday.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]    














Click here
1/22/2021 12:27 PM EST
Jimco, Janaayo, 22, 2021 (HOL) - Waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday maanta alle ha u naxariisteen Ganacsade Cabdi Xoosh Ashkir oo ka mid ahaa ganacsatada siweyn looga garanayo gayiga Soomaaliya.

1/22/2021 6:52 AM EST
Jimco, Janaayo, 22 2021 (HOL) - Waxaa soconaya dadaallo la doonayo in xal kama danbeys ah looga gaaro muranka doorashada iyadoo mudo xilkeedka dowladda hadda jirta ay ka harsan tahay wax ka yar 20 cisho.

1/22/2021 12:41 AM EST
Jimco, Janaayo, 22, 2021 (HOL) - Dowladda Itoobiya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay in ciidamo Soomaali ah ka barbar dagaalameen ciidanka difaaca Qaranka Itoobiya ee dagaalka la galay xoogagga Tigrayga.

1/22/2021 12:03 AM EST
Jimco, Janaayo, 22, 2021 (HOL) - Dowaladda Vietnam ayaa sheegtay in ay taageerayso geedi socodka dimuqraadiyada Soomaaliya, gaar ahaan doorashooyinka soo socda in ay ku dhacaan si nabad ah oo heshiis ay ku yihiin dhammaan dhinacyada Soomaaliya.