4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 7 , 2021
Dowladda Mareykanka oo soo dhaweeysay xukun lagu riday dad ka ganacsada Haramcadka
 

Axad, Feberaayo, 07, 2021 (HOL) - Qoraal ay soo saartay, Waaxda Arimaha Dibada ee Mareykanka, ayaa lagu bogaadiyay xukun ay maxkamada Hargeysa ku riday 4 kamid ah ganacsatada ka ganacsata Haramcadka  ee Somaliland.

Qoraalka hambalyada ah ayaa lagu sheegay in dowladda Mareykanku, ay u sacaba tumayso xukunka ay maxkamada Hargaysa dhawaan ku riday 4 kamida ganacsatada ka ganacsata Haramcadka.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in arintani ay gundhig muhiima u tahay la dagaalanka dhoofinta Haramcadka ee Soomaaliya, kaasi oo si sharci daro ah looga dhoofiya Geeska Africa, loona iib geeyo wadamada Bariga dhexe, qoraalka ayaa lagu yidhi waa in la ilaaliya noocyada xayawanka ee nugul.

Dhinaca kale Wasaarada Deegaanka ee Somaliland, ayaa iyaduna dhinaceeda jawaab celin ka sameysay warbixinta dowladda Mareykanka.

Qoraalka wasaarada ayaa lagu yidhi waanu bogaadinaynaa aqoonsiga aad aqoonsateen shaqada wanaagsan ee Somaliland laga qabtay laakin, Hargeyso maaha meel kamida Soomaaliya sida aad qoraalkiina ku xusteen ee waa caasimada Somaliland.

Cabdilahi Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]