4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 5 , 2021
Wararkii ugu danbeeyay iska horimaadkii xalay ka dhacay dulleedka Dhuusa-Mareeb

 

Jimco, Feberaayo, 05, 2021 (HOL) - Saraakiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay hub iyo gaadiid sida ay ka furteen xoogagga Ururka Al-shabaab oo dagaal kooban ay kula galleen dulleedka degmada DhuusaMareeb.

Al-shabaab ayaa xalay mar kale hoobiyayaal ku tuuray magaalada DhuusaMareeb oo ay ku shirsan yihiin madaxda ugu sareysa dalka iyo kuwa dowlad gobolleedyada oo ka arinsanaya qabsoomida doorasho leysku raacsan yahay.

Saraakiisha ayaa sheegay in iska horimaadka ay ku qabteen qori hoobiye ah oo ay adeegsanayeen Al-shabaab, gaadiid iyo waliba hub fudud iyaga oo intaa ku darray in ay dileen siddeed xubnood oo ka tirsan xoogagga weerarka soo qaaday ee madaafiicda ku tuurayay magaalada.

Waa markii labaad  oo Al-shabaab ay madaafiic ku weeraraan Dhuusa-Mareeb tan iyo markii uu furay shirka halkaa uga soconaya madaxda heer federaal iyo dowlad gobolleed.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]