4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 3 , 2021
Gaadiid raashin sida oo si nabadgalyo ah ku gaaray degmada Xudur ee gobolka Bakool

 

Arbaco, Feberaayo, 03, 2021 (HOL)- Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku guuleystay in ay gaarsiiyaan degmada Xudur gaadiid xamuul ah oo raashin sida kuwaa oo muddo dheer ku xayirnaa waddada xiriirisa degmooyinka Xudur iyo Ceelbarde oo ka wada tirsan gobolka Bakool

Al-shabaab ayaa muddo dheer go'doomin ku haya degmada, taasoo keentay in dadka ku dhaqan ay soo food saarto xaalad bani'aadannimo oo ka  dhalatay in la waayo wax la quuto [ Maciishadii ]

Hasse ahaatee markii ay maanta halkaa gaareen gaadiidka siday raashinka waxaa siweyn isugu soo baxay dadweynaha reer Xudur oo sawaxa sacab iyo erayo farxadeed ku soo dhaweeyay, taasoo ka tarjumeysa inta uu la egyahay culeyska dhinaca nolasha ah oo ay ku qabaan bulshada go'doominta Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore gubay gaadiid raashin u wadday Xudur iyo degmooyinka kale ee gobolka Bakool, taasoo keentay in ganacsatadu hantidooda la cabsadaan.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]