4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 3 , 2021
Madaxwayne Biixi oo wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya xafiiskiisa ku qaabilay
 

Arbaco, Feberaayo, 03, 2021 (HOL) - Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wakiilka gaar ka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. James Swan oo kulan ku yeeshay Madaxtooyada Somaliland ayaa ka wada hadlay sidi ay Qaramada Midoobay gacan uga gaysan lahayd doorashoyinka Somaliland iyo wada shaqaynta Hayadaha Qaramada Midoobay iyo  Somaliland.

Warsaxafadeed kasoo baxday Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland oo uu ku saxeexanyahay Afhayeenka  Madaxtooyada Maxamuud Warsame Jaamac ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen arimo doora oo ay ugu muhiimsanyihiin nidaamka wada-shaqaynta  Somaliland iyo qaramada midoobay, qorsheyaasha iyo barnaamujyada hay’adaha qaramada Midoobay salka u noqon doona. 

Sidoo kale warsaxafadeedka ayaa lagu sheegay in Somaliland iyo qaramada midoobay ay ku heshiiyeen inay sii wadaan wada-hadalkii iyo kulamadii ay uga wada xaajoonayeen arrimaha wada-shaqaynta hay’adaha qaramada midoobay iyo Somaliland, sidoo kale, waxa laga wada hadlay arrimaha doorashooyinka iyo taageerada qaramada midoobay ka gaysan karto. 

Waxakale oo warsaxafadeedka lagu yidhi ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay waxa uu ku bogaadiyey xukuumadda, Axsaabta mucaaradka, Komishanka doorashooyinka iyo shacabka Somaliland sida ay diyaarka ugu yihiin, uguna midaysan yihiin qabsoomidda doorashooyinka isku sidkan ee wakiillada iyo deegaanka.

Ugu dambayntii warsaxaafaddedka kulanka madaxwaynaha iyo wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in diiradda lagu saaray arrimaha amniga iyo horumarka mandaqadda geeska Afrika iyo kaalinta muhiimka ah ee ay kaga jirto  Somaliland.

Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha qaramada midoobay waxa kulanka ku  wehelinayey madaxda hay’adaha qaramada midoobay ee WFP, UN Women, UNHCR iyo masuuliyiin kale oo katirsan xafiisyada qaramada midoobay ee Somaliland.

Cabdilaahi Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online