4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 13, 2021
Nin Soomaali ah oo geystay labo kufsi oo ka badbaaday in laga soo masaafuriyo UK
 

Sabti, Feberaayo, 13, 2021 (HOL) - Nin Soomaali ah oo la sheegay inuu labo kufsi geystay ayaa loo oggolaaday inuu sii joogo dalka UK sababo la xiriira caafimaadka dhimirkiisa darteed.

Ninkaan oo 49 jir ah ayaa tagay Ingiriiska sanadkii 2004 wuxuuna dalbaday magangalyo, laakiin wasaarada arimaha gudaha ayaa dooneysay inay masaafuriso ka dib markii uu maray sideed xukun muddo lix sano gudahood ah.

Dambiyada uu galay ayaa waxaa kamid ah, Dhac, inuu isku dayay inuu cadaaladda ka baxsado iyo kufsiga laba dumar ah oo kala duwan.

Wuxuu xirnaa in ka badan toddobo sano. Laakiin walwalka laga qabo caafimaadka dhimirkiisa, ayaa ka dhigan tahay inuu awoodo inuu sii joogo UK.

Garsooraha socdaalka ayaa aqbalay in daryeelka caafimaadka dhimirka uu 'aad u liito' gudaha Soomaaliya 'iyo in dadka qaba arimaha caafimaadka dhimirka, badanaa ay la kulmaan takoor loolana dhaqmo si ka baxsan bini'aadanimada.

UK ayaa 60 qof oo dalkeeda ku sugnaa waxay ku celisay dalalkooda oo kala ah Ghana, Nigeria iyo Sierra Leone, waxaana ku jiray  25 dambiilayaal ah oo u xirnaa danbiyo ay kamid yihiin dil, kufsi caruur iyo dambiyo kale.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]