4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 10, 2021
Jubbaland oo soo dhowaysay shirka madaxweyne Farmaajo ku dhawaaqay kuna talisay inuu Muqdisho ka dhaco

Arbaco, Feberaayo, 10, 2021 (HOL) - Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa soo dhaweysay shirka watashiga arrimaha doorashooyinka ee 15 Febraayo, kaas oo uu xalay iclaamiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Jubbaland ayaa si lamid ah Puntland waxay ku talisay in Shirkaasi uu ka dhaco magaalo madaxda dalka ee Muqdisho si ay uga soo qeybgalaan Saamileyda Siyaasadda Soomaaliyeed natiijo wadar ogol ahna uga soo baxdo.

Jubbaland iyo Puntland ayaa sida muuqata mowqif isku mid ah ka qaatay shirka madaxweyne Farmajo bayaamiyay, waxaana labada dowlad goboleed ay doonayaan in ay shirka la geeyo Muqdisho fursadna la siiyo musharrixiinta iyo beesha caalamka oo iyaga ka maqnaa dhammaan shirarkii horay u dhacay.

Lama oga in madaxweyne Farmaajo uu oggolandoono in ay shirka uu bayaamiyay ay ka qeybgalidoonaan musharrixiinta iyo beesha caalamka, waxaana dadka falanqeeya arrimaha siyaasada ay aaminsan yihiin in Farmaajo uu aad isaga ilaalinayo inuu shir la fariisto musharrixiinta mucaaradka.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]