1/11/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 9 , 2021
Dhaqdhaqaaqyo ciiddan oo laga dareemayo magaalada Boosaaso

Khamiis, December, 9, 2021 (HOL) - Xaaladda magaalada Boosaaso ayaa laga dareemayaa kacsanaan kadib markii madaxweynaha Puntland uu ka hor yimid go’aan kasoo baxay qaar katirsan Isimada Puntland, kuwaas oo ku howlanaa dajinta xiisadaha ka dhashay xil ka qaadista lagu sameeyay agaasimihii PSF.

Madaxweyne Deni ayaa laga cabsi qabaa inuu weerar ku qaado saldhigga ciiddanka PSF ee magaalada Boosaaso, iyadoo xaafaddaha magaalada Boosaaso illaa xalay laga dareemayay dhaqdhaqaaqyo ciidan, oo dadka cabsi weyn ku abuurtay.

Qoysas badan ayaa ka barakacay xaafadda magaalada Boosaaso ay ka degen yihiin ciiddanka PSF, kadib markii maamulka madaxweyne Deni uu ciidamo dul geeyay talisyada PSF, taasoo u muuqata mid cadaadis lagu saarayo.

Agaasimihii hore ee PSF, Maxamuud Cismaan Diyaano ayaa diidan inuu xilka ku wareejiyo agaasimaha cusub ee la magacaabay, inkastoo ciidamo iyo saraakiil aad ugu dhawaa ay kasoo goosteen dhinaciisa.

Warar uu helayo HOL, waxay sheegayaan in madaxweyne Deni ay ka go’an tahay inuu weerar ku qaado ciiddanka PSF, isagoo horey u diiday go’aankii Isimada Puntland ee ahaa in agaasimihii hore ee PSF lagu wareejiyo hubka PSF leedahay.

Si kastaba ha ahaatee, dadka waxgaradka ah ee reer Puntland ayaa ku baaqay in laga baaqsado wax kasta oo keeni kara inuu dagaal dhaco, waxayna labada dhinac ugu baaqeen in la si xakameeyo oo loo turo shacabka iyo nabada la haysto.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online