4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 6 , 2021
Madaxwayne Mustafe cagjar " Kooxda TPLF ma miyirsanayso ilaa tamartu u run sheegto"
 

Isniin, December, 6, 2021 (HOL) - Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar, ayaa khudbad dheerayd oo shalay uu ka jeediyay xafladdii loo qabtay ciidankii liyuuga ahaa ee qalinjabinayay, waxa uu si qoto dheer uga hadlay xaaladda dalka Itoobiya ku jiro, iyo dagaallada ka socda dalka ee dowladdu kula jirto kooxda TPLF.

Haddaba Madaxwayne Mustafe ayaa khudbadiisaa waxa uu kusoo qaatay kooxda TPLF, iyo xaalkeedu siduu hadda yahay, Madaxwaynuhu wuxuu sheegay in kooxda TPLF laga adkaaday, isla markaana aysan lahayn wax awood ah, wuxuuna yiri " Kooxda TPLF waalaga adkaaday, kooxdu waxay ahayd koox ku iimaan beeshay hantidii shacabka, mana miyirsanayso ilaa tabartu u run sheegto, sababtoo ah iyadoo yar ayay damacday inay guumaysato dalalka dariska, markaa way adkaanaysaa in la yiraahdo degaankiinu ha idin deeqo".

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan kuwo Soomaali ah oo taageersan kooxda TPLF, isagoo taa ka hadlayana waxa uu yiri " Kuwo Soomaali ah oo taageersan TPLF way jiraan, waxayna isugu jiraan kuwo markii shalay dadka la dhibaataynayay hoggaanka u hayay, ee ka faa'iiday dhiigga dadka, oo inta badan degaanka iyo dibadda jooga way jiraan, oo kolba magac lasoo baxaya, waxa kaloo jira kuwo kuwaasi ay jahawareerinayaan, oo mararka qaar qaabab kala duwan u isticmaalayaan, una tusayaan inuu soo noqonayo nidaamkii TPLF".

Hadallada Madaxwayne Mustafe cagjar ayaa kusoo hagaagaya xilli maalmihii u dambeeyay ay dowladdu ku gacan saraysay dagaallada u dgaxeeyay dowladda iyo TPLF, isla markaana TPLF ay sheeganaysay inay dib usoo rogaal celin doonto, siina wadi doonto dagaalka ay kula jirto dowladda.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]