4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 6 , 2021
Bosaso: Ciidamo iyo saraakiil u wareegay taliska cusub ee hay'adda PSF

Isniin, December, 6, 2021 (HOL) - Agaasimaha cusub ee hay’adda PSF- Puntland, sareeyo guud, Aamiin Xaaji Kheyr ayaa magaalada Boosaaso kusoo dhoweeyay saraakiil iyo ciiddamo kasoo goostay taliskii hore ee PSF.

Ciiddanka kusoo biiray waxaa hoggaaminayay Agaasime ku xigeenka ahna taliyihii guud ee ciidanka PSF, Gaashaanle Cabdiraxmaan Ilig.

Ilig ayaa lagu xasuustaa inuu ahaa saraakiishii kasoo horjeesatay xilka qaadistii Agaasimihii hay’adda PSF, waxaana u wareegidiisa dhinaca kale ay dhabar jab ku tahay garabkii uu katirsanaa oo weli diidan in ay xilka wareejiyaan.

Qorshahan ayaa u muuqda mid maamulka Puntland uu u adeegsanayo siyaasad lagu kala furfurayo saraakiisha PSF, si taliskii hore loogu qasbo in ay xilka iska wareejiyaan.

Illaa iyo hadda laguma guulaysan in taliskii hore ee PSF uu xilka wareejiyo, iyadoo magaalada boosaaso ay la ciirciirayso ciidamo badan oo madaxtooyada Puntland ay halkaas geysay.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online