4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 6 , 2021
Xubin katirsan guddiga doorashada heer federal oo ka hor yimid go'aankii lagu laalay kuraas lagu doortay Koonfur galbeed
 

Isniin, December, 6, 2021 (HOL) - Yuusuf Maxamed Kheyre (Guurow) oo katirsan xubnaha guddiga doorashada heer federal u qaabilsan Koonfur Galbeed ayaa kasoo horjeestay go'aan guddiga doorashada kasoo baxay oo lagu laalay natiijada doorashada labo kursi oo lagu doortay magaalada Baydhabo.

Mr Guurow ayaa sheegay inuusan waxba kala soconin go'aanka gudiga doorashada ay gaareen, isagoo sheegay in aanay jirin wax muran ah oo ka taagnaa labada kursi ee lagu doortay magaalada Baydhabo.

Wuxuu ku tilmaamay go'aanka arrin lagu fududaaday oo meel ku dhac ah guddiga, wuxuuna sheegay in ay go'aankaas qaateen xubno kamid ah guddiga.

Wuxuu sheegay labada kursi ee la doortay in ay go'aan ka gaareen qabiilada iska leh kuraastaas islamarkaasna wuxuu sheegay in aysan jirin cid kale wax ka bedeli karta natiijadii hore.

Hadalka kasoo yeeray Mr. Guurow wuxuu muujinayaa in guddiga doorashada heer federal iyo guddiga doorashada Koonfur galbeed uu ka dhex taagan yahay khilaaf xooggan oo saamayn ku yeelan kara habsi socodka doorashada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online