4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 18, 2021
Militariga Itoobiya oo sheegay inay la wareegen guud ahaan gobalka Waqooyiga Wollo ee degaanka Axmaarada

Sabti, December, 18, 2021 (HOL) - Sida ay baahisay Warbaahinta ku hadasha afka dowladda, Ciidamada Militariga Itoobiya ayaa la wareegay gacan ku haynta guud ahaan gobolka waqooyiga Wallo ee degaanka Axmaarada, oo ay ku jirto magaalada muhiimka ah ee Woldiya.

Goobahan cusub ee ay maanta la wareegeen ciidamada Itoobiya, ayaa waxaa horey gacanta ugu hayay kooxda TPLF, balse dagaal socday xalay ilaa galinkii hore ee maanta ayay goobahani waxay dib ugu soo laabteen gacanta dowladda.

Ma jiro warar madax banaan oo ka hadlaya sheegashada dowladda, sidoo kale ma jiraan warar kasoo baxaya dhanka TPLF, oo ku saabsan guusha ay dowladdu sheegatay inay gaartay.

Horey goobo badan ayay dowladdu ka qabsatay kooxda TPLF, balse meelaha qaar ayay sida wararku sheegayeen dib uga baxay gacanta dowladda, oo ay TPLF la wareegeen.

Guulahan dambe ee ay dowladdu gaartay ayaa kusoo hagaagaya xilli uu Abiyi Axmed ka maqan yahay saaxadda dagaalka, isla markaana aad mooddo inay ciidamadu ku socdaan shaxdii uu u jeexay Ra'iisal wasaare Abiyi Axmed, ee uu guulaha ku gaaray.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]