4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 18, 2021
Qarax Miino oo goordhaw ka dhacay magaalada Jowhar

Sabti, December, 18, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in goordhaw halkaasi uu ka dhacay qarax miino oo ah nooca dhulka lagu aaso.

Qaraxan miino oo laga maqlay jugtiisa guud ahaan xaafadaha magaalada Jowhar ayaa la sheegay in lala eegtay gaari nooca loo yaqaano Cabdibilaha oo uu leeyahay guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan Axmed Faal.

Qaraxa oo ahaa nooca meelaha fogfog laga hago ayaa dhacay wax yar uun markuu gudbay gaariga Cabdibilaha ah, lamana sheegin wali wax khasaare ah oo ka dhashay qaraxaasi miino, inkastoo qaraxa kadib rasaas farabadan ay rideen ciidamadii saarnaa gaariga qaraxa lala beegsaday.

Magaalada Jowhar oo u diyaar garoobi haysa doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe waxaa kusoo kordhaayay qaraxyada, waxaana xusid mudan in todobaadkii hore uu ka dhacay qarax miino goob Maqaaxi ah oo ku taala magaalada Jowhar, islamarkaana uu ku dhintay qof shacab ahaa ayna ku dhaawacmeen laba Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]