4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 17, 2021
Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland oo beeniyay in jaamacada Abaarso diin kale laga faafiyo

Jimco, December, 17, 2021 (HOL) - Wasiirka cusub ee diinta iyo awqaafta Somaliland Sh Cabdirisaaq Xuseen Albaani, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedayntii Cabdimaalik Muuse Coldoon, ee ahayd in Jaamacada Barwaaqo iyo dugsiyada Shabakada Abaarso lagu dhex faafiyo diinta Masiixiga.

Wasiir Albaani oo markii ugu horaysay ka hadlay qadiyadan tan iyo markii uu magacaabay madaxweynaha Somaliland, ayaa sheegay in uu aad ugu hanwayn yahay hablaha wax ka barta jaamacadda Abaarso isagoo sheegay in ay anfici doonaan dalka iyo dadkaba.

"Aad iyo aad ayaanu ugu hanwaynahay in ay kasoo bixi doonaan hablo aqoontii xambaarsan, si ay waddan kooda ugu anfacaan, caruurta ugu anfacaan, waxaana xaqiiqo ah in ay aqoontaa si fiican u xambaari doonaan" ayuu yidhi Albaani.

Albaani, ayaa eedaynta Coldoon ku tilmaamay wax aan raad lahay oo waxba kama jiraan ah, "dacaayadaa la fidiyay ee la yidhi iskuulkaa hablaha waa lagu gaalaysiiyaa, ama kiristanka ayaa lagu baraa, taasi wax xaqiiqo ah maleh".

Cabdimaalik Muuse Coldoon, ayaa xabsiga ugu jira eedaymo la xidhiidha in uu dacaayado ka faafiyay jaamacadan, isagoo wajahaya dacwado ay soo gudbiyeen maamulka iyo waalidiinta jaamacadda Barwaaqo.

Abdilahi Geel Maal, Hiraan Online
[email protected]