4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 14, 2021
Gaari shacab oo Miino kula qaraxday duleedka degmada Balcad oo khasaare badan geystay
 

Arbaco, April, 14, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in gaari Hoomeey ama Caasi nooca loo yaqaano ah oo aay saarnayeen dad shacab ah Miino kula qaraxday inta u dhaxeyso Tuulooyinka Golaleey iyo Qalimoow.

Gaarigan ayaa ka ambabaxay magaalada Muqdisho, kaaso kusii jeeday degmada Jowhar waxaana la sheegay iney saarnayeen dad gaaraya 24 ruux oo shacab ahaa waxaana la sheegay in ilaa 5 ruux kaliya aay ka badbadeen qaraxa qabsaday gaariga rakaabka ahaa sida aay inoo xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabakadda HOL.

Darawalkii gaariga miinada haleeshay oo ka mid ahaa dadka tirada yar ee badbaaday oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in badi dadkii gaariga saarna aay dhinteen kuwii dhaawacmayna loo soo qaaday magaalada Muqdisho.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]