4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 10, 2021
Golaha wakiilada Somaliland oo wax ka badal iyo kaabis ku sameeyay xeerka furista ururada siyaasada
 

Sabti, April, 10, 2021 (HOL) - Golaha wakiilada Somaliland ayaa ansixiyay xeer 4/2021, oo ogolaanaya in ururo siyaasadeed la furo marka muddo sharciyeedka xisbiyada hada jooga oo ku eg 2022 uu dhamaado.

Xeerkan oo golaha buuq badan ka dhex abuuray maalmihii u danbeeyay ayaa waxa ogolaaday 40 mudane halka 3 mudanena ay diideen.

Qaar badan oo kamida xildhibaanada xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaan iyagu ka qayb galin ansixinta xeerkan iyagoo ku tilmamay qorshe ay xukuumadu wadato.

Xeerkan ayaa samaxaya in ururo siyaasadeed lafuro kadib marka muddo sharciyeed ka saddexda xisbi ee hada jooga dhamaato, taasi oo sababi karta in qaar kamida xisbiyada hada jooga ama gabi ahaan tooduba meesha ka baxaan.

Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]