4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 4 , 2020
Is-risaaseyn muddo kooban socotay oo AMISOM & Al-shabaab ku dhex martay duleedka Buula burte
 

Jimco, September 4, 2020 (HOL) - Wararka laga helayo degmada Buula burte ee Gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in Al-shabaab weerar ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ay ku qaadeen saldhig ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin galbeed ka magaaladaas,  sida ay baahisay Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada AMISOM ayaa Al-shabaab ku riday rasaas xooggan oo dadka deegaanku ay ku sheegeen iney aheyd mid iska caabbin ah,  balse waxaan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Rasaasta oo qadar daqiiqado ah socotay ayaa istaagtay,  waxayna ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo iskaashanaya ay howl-gallo amniga la xiriira ay ka sameynayaan duleedka galbeed ee degmada Buula burte.

Magaaladaas ayaa qiyaas ahaan Beledweyne u jirta 115KM, waxayna kaga beegantahay jihada Koonfureed.

Illaa iyo hadda ma jiro war kasoo baxay maamulka degmada,  balse wararka hadda la helayo ayaa sheegaya in xaaladdu ay degantahay.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]