3/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 13, 2020
Madaxweyne Farmaajo oo furay shirka wadatashiga dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada


Axad, September 13, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey furitaanka Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada oo maanta si rasmi ah uga furmay Xarunta Madaxtooyada Qaranka.

Kusimaha Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo furitaanka shirka kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa tilmaamay dadaalka madaxdu ay ku bixinayaan sidii loo sii amba-qaadi lahaa dhammeystirka Heshiiska Doorashooyinka dalka si ay wakhtigeeda ugu qabsoonto.

“Madaxtooyada Qaranka waxa ay soo dhaweynaysaa sida Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ay ugu dadaaleen ka soo qeybgalka shirka , iyadoo haatan loo dhan yahay ka miradhalinta shirkan oo muhiim u ah hirgelinta doorashada dalka.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa furitaanka shirka ka hor waxa uu kulamo hordhac ah la qaatay Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaaadir, kuwaas oo ku saabsanaa sidii shacabka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen xuquuqdooda dastuuriga ah ee ku aaddan in ay doortaan masuuliyiinta ay ku aaminayaan talada dalka.

Furitaanka shirka waxaa ka qeyb galay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Koonfur-Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Puntland Siciid Cabdullaahi Dani, Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam, Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  Cumar Maxamuud Maxamed.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
9/13/2020 12:42 PM EST
Axad, September 13, 2020 (HOL) - Sharci-dajiyayaasha Gobolka Kaduna ee waddanka Nigeria ayaa ansixiyay in la dhufaano kuwa lagu helo kufsiga carruurta da'doodu ka yar tahay 14 sano.

9/13/2020 8:29 AM EST
Axad, September 13, 2020 (HOL) - Inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyootay 3 ruux , dhowr kalana way ku dhaawacantay, Kadib is-risaaseyn dhex-martay askar ka wada tirsan ciidamada daraawiishta Koonfur Galbeed ee ku sugan magaalada Wanlaweyn.

9/13/2020 3:54 AM EST
Axad, September 13, 2020 (HOL) - Sida ay ku warramayaan ill wareedyo lagu kalsoonaan karo waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shirkii wada-tashiga ahaa ee u dhexeeyay maamul goboleedyada dalka, gobolka Banaadir iyo dowladda Faderaalka ah.

9/13/2020 3:51 AM EST
Axad, September 13, 2020 (HOL) - Ciidamada kumaadooska dowladda Soomaaliya ayaa waxay sheegeen, in iyaga oo kaashanaya xoogagga daraawiishta Jubaland ee JSF-ta ay howl-gal ka fuliyeen deegaanno dhowr ah oo ka tirsan maamulka Jubaland, gaar ahaan Jubbada hoose.

9/13/2020 1:50 AM EST
Axad, September 13, 2020 (HOL) - Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre, ayaa si kulul u cambaareeyay kufsigii iyo dilkii loo geystay Xamdi Maxamed Faarax oo kamid ahayd ardaydii sanadkaan ka qalin jabisay dugsiyada sare.

9/13/2020 1:48 AM EST
Axad, September 13, 2020 (HOL) - Ilhaan Cumar ayaa dhaleeceysay laanta Socdaalka iyo Kastamka Maraykanka sababa la xiriira suuragalnimada in masaafurin karaan muhaajiriinta si sharcidaro ku jooga Maraykanka oo dib loogu celiyo Soomaaliya.