4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 1 , 2020
MINNESOTA: Guddoomiye Walz: "Dadkii ay lumeen mushaarkooda dib ayeey u codsankaraan"

Talaado, September 1, 2020 (HOL) - Maanta, Guddoomiye Tim Walz wuxuu shaaca ka qaaday in Gobolka Minnesota uu ka helay Hay’adda Maareynta Degdegga ee dawladda dhexe (FEMA) oggolaansho mashuuc lagu caawinaayo dadka Mushaarkoodi (ama shaqooyinkoodi) ku waayay (LWA) xaaladda cudurka safmareynka ah ee Covid-19.

Mashruuca LWA ayaa si ku meel-gaar ah u siinaya $300 oo dheeraad ah usbuuciiba dadka reer Minnesota ee qaata gunada shaqo la’aanta. Waxaana loo ogol yahay caawinaadan, dadka qaata gunada shaqo la’aanta Toddobaadkiiba ugu yaraan $100. Waana in shaqo la’aantiisa ay sababya COVID-19. “Waan ku faraxsanahay in dadka reer Minnesota ee qaata gunada shaqo la’aanta ay heli doonaan $300 dheeraad ah usbuucii si ay uga soo kabtaan xaalladaha dhaqaale daro ee ay ku sugan yihiin”. ayuu yiri Guddoomiye Walz. “Waxaan sii wadaynaa adeegsiga kheyraad kasta aan haysano si aan u caawino dadka reer  Minnesota inta lagu jiro musiibada cudurkan safmareen”.

“Lacagtaan dheeriga ah ee $300 usbuuciiba waa u kaalmo reer Minnesota iyo qoysaskooda. Waan ku faraxsanahay inaan qaadnay tallaabooyinka reer Minnesota wax loogu qabanayo,” ayay tiri guddomiye ku-xigeenka gobolka Minnesota Peggy Flanagan. “Laakiinse $300 oo dheeri ah usbuucii ma ahan mid u dhiganta guud ahaan culeyska uu cudurkan aafada ah saaray reer Minnesota. Waxaan rajeyneynaa in qolooyinka aan wada shaqayno ee dawladda dhexe ay sii wadi doonaan inay ka shaqeeyaan sidii gargaar loo siin lahaa reer Minnesota iyo dadka kale ee Mareykanka ah ee u baahan”.

"Maadaama naloo  ogolaado codsigeenna, waxaan si dhakhso leh ugu dhaqaaqi doonnaa inaan dadka reer Minnesota u helno kaalmadan," ayuu yiri Guddoomiyaha Waaxda Shaqada iyo Horumarinta Dhaqaalaha (DEED) Steve Grove.

“Waan ognahay sida ay muhiimka ugu yihiin gargaarkani shaqaale aad u tiro badan oo shaqo la’aan ah cudurkan safmareenka ah awigiis."

Kuwa hadda qaata gunnooyinka shaqo la'aanta uma baahna inay dib u codsadaan ama wax kale sameeyaan oo aan ka ahayn dhammaystirka codsigooda toddobaadlaha ah si ay u helaan $300 oo dheeraad ah usbuucii. Waaxda Shaqada iyo Horumarinta Dhaqaalaha (DEED) qaybteeda Caymiska Shaqo La'aanta ayaa dib u eegi doona dhammaan codsiyada lacag bixinta ee la sameeyay ka hor usbuuca Luulyo 26 si toos ahna u siiso codsadayaasha xaq u leh LWA. DEED ayaa rajeyneysa barnaamijku socon doono inta u dhexeysa shan ilaa siddeed toddobaad. Codsadeyaashu way booqan karaan https://www.uimn.org/lwa si ay u helaan macluumaad dheeraad ah.