4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 3 , 2020
Puntland oo Bosaso kusoo bandhigay labo nin oo sheegtay inay kufsi iyo dil u geysteen gabadh yar
 

Talaado, November, 03, 2020 (HOL) - Laamaha amniga Puntland ayaa magaalada Bosaso kusoo bandhigay labo nin oo dhalinyaro oo qirtay inay ka dambeeyeen kufsi iyo dil loo geystay Naciimo Cabdi Maxamed oo ahayd gabadh yar oo dhawaan maydkeeda laga helay Bosaso.

Maxamed Cabdi Faray iyo Cabdiraxmaan Maxamed Isaaq oo ah eedeesanayaasha kiiskan, ayaa sheegay gabadha markii ay kufsadeen inay gaari madaxa ka marsiiyeen si aan loo aqoonsan maykeeda iyagana uga badbaadaan in xogtooda la helo.

Balse, laamaha booliiska oo kaashanaya shacabka ayaa ku guulaystay inay labadaan nin gacanta kusoo dhigaan, kadib labo todobaad ku dhawaad oo falkaan laga joogo.

“Gabadha markaan kufsanay, waxaan ka cabsanay haddii aan sii dayno inay na sheegto, kadibna waxaan sameynay, cimaamad aan haysanay ayaan ku ceejinay. Way dhiman weyday, markaas kadib waxaan go’aansanay inaan taayarka gaariga madaxa ka marsiino si ay u dhimato, waana marsiinay” ayuu yiri mid kamid ah eedeesanaha.

Taliyaha ciidanka booliiska gobolka Bari, gaashaanle sare, Xuseen Cali Maxamuud, ayaa sheegay, labada nin ee falkaan geystay in ay ahaayeen darawaliinta ka shaqeeya gaadiidka dadweynaha, kuwaas oo gabadha ku afduubatay gaariga ay ku shaqeynayeen.

Waa falkii saddexaad oo is kugu jira kufsi iyo dil  ka dhaca Puntland muddo labo sano gudaheed ah, horey falal nuucaan oo kale ah ayaa ka dhacay Garowe iyo Gaalkacyo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]