4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 13, 2020
Golaha Ammaanka QM oo ogolaaday in Soomaaliya lagala shaqeeyo sidii cunaqabateynta hubka looga qaadi lahaa

Jimco, November,, 13, 2020 (HOL)Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa markii ugu horreeyay dowladda Soomaaliya ka oggolaaday in la magacaabo guddi ka shaqeeya ka qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, kaddib shirkii shalay ka dhacay xanunta Qaramada Midoobay ee New York.

Inkasta oo Golaha Ammaanku uu hal sano dib u cusbooneysiiyay cunqabateynta, hadana guul ayay u aheyd Soomaaliya in guddi baaritaan ku sameeya loo saaro arrinkan, waxaana danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Osman (Abuukar Baalle) uu sheegay inay soo dhaweynayaan guddigan.

“Waan soo dhaweyneynaa tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee Golaha Ammaanku qaaday si wax looga qabto tabashooyinkeenna, kuwaas oo aan rajeyneyno inaan habraacooda uga wada shaqeyno si hufnaan leh” Ayuu yiri Abukar Balle.

“Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya waxay mar kale ku celineyaa in laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran ilaa 1992, waxaana adkeyneynaa muhiimada ay leedahay in si cad loo qeyxo marka ugu dambeysa ee la inaga qaadayo. Waxaan ka codsaneynaa beesha caalamka inay nagala shaqeyso, naguna taageerto dhismaha hey’adaha dowliga ah, gaar ahaan kuwa ammaanka, si xal waara  aan u gaarno, ugana hortagno halista, taasina waa habka kaliya ee noo sahli kara inaan dhisno nabad waarta ” ayuu Danjire Abuukar Baalle sii raaciyay.

Warbixinta Golaha Aammaanka ee sanadkan ayaa sidoo kale lagu oggolaaday in dowladda Soomaaliya ay dhismaha iyo tababarka ciidaneeda ay kala kaashan karto ciddii ay iyadu raalli ka tahay, taas oo meesha ka saareysa caqabado dhowr ah oo Soomaaliya ka heystay doorashada dadalka ay iyadu dooneyso.

Waxaa kale la isla soo qaaday in si wada jir ah looga shaqeeyo xakameynta waxyaabaha laga sameeyo qaraxyada ee EID ee Soomaaliya soogala, si looga fogaado musiibooyinka ku xeeran.

Diblomaasiyiinta Soomaaliya ayaa sanadihii ugu dambeeyay dadaal dheer ugu jiray sidii Soomaaliya looga qaadi lahaa cunaqabteynta hubka, taas oo ragaadisay dhismaha ciidamada Soomaaliya iyo guud ahaan ammaanka dalka.

 

Farah M Ali (F Blue)

Minneapolis, Minnesota.