4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 12, 2020
Wasaarradda Arrimaha Gudaha '' Doorashooyinka waxey ku dhici doonaan waqtigooda

 

Khamiis, November, 12, 2020 (HOL) - Wasiirka Wasaarrada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Mukhtaar Xusseen Afrax ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ka go'an tahay in doorashooyinka waqtigooda ku dhacaan.

Wasiirka ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ku taagan tahay qodobadii ka soo baxay heshiisyadii DhuusaMareeb iyo Muqdisho ee la xiriiray doorashooyinka dalka, waxaana uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay gacan ku siiyaan dowladda sidii doorashooyinka ugu dhici lahaa Amni.

Hadalka ka soo baxay Wasiirka Wasaarrada Arrimaha Gudaha ayaa imanaya xili musharixiinta u tartameysa doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya  shaki ka muujiyeen sida loogu kalsoonaan karo guddiyada ay dowladdu magacaawday iyaga oo ku baaqay in wax ka badal lagu sameeyo guddiyada loo saaray in ay ka shaqeeyaan doorashooyinka dalka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]