9/20/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 29, 2020
Dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed oo soo dhaweeysay heerka Howlgalka Barnaamijka Baxnaano




Arbaco, Luulyo 29, 2020 (HOL) - Kullan la xiriira heerka howlgalka Barnaamijka Baxnaano ee Dowladda Soomaaliya ay ku taageerrayso Bulshada nugul iyo saameynta uu Ayaxa u geystay qoysaska Koonfurgalbeed ayaa maanta ka dhacay xarunta madaxtooyadda Dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed ee magaalada Baydhabo,ka dib markii uu galinkii dambe ee shalay gaaray Baydhabo wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Mudane Sadiq Xirsi Warfa.

Kullanka waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed, Cali Saciid Fiqi , Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Koonfurgalbeed, Madaxa Barnaamijka Baxnaano, Fardowsa Axmed Cabdullaahi, wasiirro ka tirsan maamulka iyo qaybaha bulshada ee magaalada Baydhabo.

"Barnaamijka Baxnaano wuxuu gaaray deegaanno badan oo Gobolka ah wuxuuna gacan ka gaystay isbadal bulsho iyo horumarinta nolasha dadka nugul." ayuu yiri Cabdukadir Cumar Cabdullaahi, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Koonfurgalbeed.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sadiq Xirsi Warfa ayaa sheegay Dowladda Soomaaliya inay dadaal galinayso horumarinta Bulshada iyo deegaannada dalka, isagoo caddeeyay Barnaamijka Baxnaano inuu door wayn ka qaaddanayo sidii loo dhimi lahaa saboolnimada.

"Waxaan dadaal galinaynaa sidii aan ugu abuuri lahayn fursado qoysaska shaqeeya, kuwa ugu saboolsan iyo kuwa nugul ee dalka ku nool si ay u helaan kaalmo lacageed iyadoo ujeedku yahay in la soo afjaro saboolnimada." ayuu yiri Wasiir Sadiq.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed, Cali Saciid Fiqi ayaa sheegay Barnaamijka Baxnaano inuu gacan ka geysanayo sidii bulshada ay ugu nagaadi lahaayeen deegaannadooda ,halkaa oo ay ku helayaan taageerro, halkii ay magaalooyinka usoo barakici lahaayeen, wuxuuna Dowladda Soomaaliya iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya ku ammaanay dadaalka la xiriira horumarinta Bulshada nugul,isagoo sheegay in dhinacooda ay soo dhaweynayaan heerka fulinta ee Barnaamijka Baxnaano.

Barnaamijka Baxnaano oo qayb ka ah siyaasadda Ilaalinta Bulshada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada,waxaa bishii April ka daahfuray Muqdisho, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cadullaahi Farmaajo, wuxuuna Barnaamijkan kaalmo lacageed muddo sannad ah ku taageerraya 1.3 milyan oo ruux ,kuwaaso ka mid ah qoysaska ugu nugul ee Soomaaliya.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan online
[email protected]












Click here
7/29/2020 6:24 PM EST
Arbaco, Luulyo 29, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed, Cabdicasiis Xassan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta xafiiskiisa xarunta madaxtooyadda ee magaalada Baydhabo ku qaabbilay, wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Sadiq Xirsi Warfa iyo wafdi uu hoggaaminayay oo shalay halkaa gaaray.

7/29/2020 11:16 AM EST
Arbaco, Luulyo 29, 2020 (HOL) - Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa waxay maanta xabsi dhan lix bil iyo ganaax lacageed oo gaaraya Shan milyan oo shilin Soomaalia ah Weriye Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo ah agaasime ku xigeenka Warbaahinta Goobjoog ee magaalada Muqdisho.

7/29/2020 11:14 AM EST
Arbaco, Luulyo 29, 2020 (HOL) - Dadka ku dhaqan magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa walaac xoogan ka muujinayo biyo aad u fara badan uu wado Wabiga Shabelle oo dhexmara magaalada Baledweyne.

7/29/2020 8:31 AM EST
Arbaco, Luulyo 29, 2020 (HOL) - Wasiirka dekedaha Puntland Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino) ayaa maanta shaaciyay in shirkadda DP-world aysan wax shaqo ah ka qabanin tan iyo markii ay la wareegtay maamulka dekeda Bosaso sanadkii 2017.

7/29/2020 7:33 AM EST
Arbaco, Luulyo 29, 2020 (HOL) - Bangiga Horumarinta Afrika (AFDB) ayaa ansaxiyay $ 25M oo loogu tala galay Soomaaliya, si kor loogu qaado dadaalada miisaaniyadeed ee qaran si loo yareeyo saameynta qaranka ee masiibada Covd19.

7/29/2020 3:26 AM EST
Arbaco, Luulyo 29, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha Baarlamanka Galmudug Dr.Maxamed Gacal iyo xildhibaanno kasoo horjeeday oo ka gadoodsanaa mushaar la'aan muddo dhowr bilood ah haaysatay ayaa xalay heshiis ku gaaray magaalada Dhuusamareeb.

7/29/2020 2:43 AM EST
Arbaco, Luulyo 29, 2020 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kulan xalay ay ku yeesheen magaalada Muqdisho Guddoonka Baarlamanka dalka iyo hoggaamiyayaasha madasha xisbiyada qaran ee mucaaradka ah . Waxayna wararku sheegayaan in laga hadlay xaaladda kala guurka ah ee Soomaaliya iyo hannaankii loo maareyn lahaa.

7/29/2020 2:34 AM EST
Arbaco, Luulyo 29, 2020 (HOL) - Barlamaanka dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta oo arbaco ah ka doodaya heshiiska shirkadda DP –world kula wareegtay dekeda magaalada Bosaso.

7/29/2020 2:29 AM EST
Arbaco, Luulyo 29, 2020 (HOL) - Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa waxay maanta go’aan ka gaareysaa kiiska weriye Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo ah agaasime ku xigeenka warbaahinta Goobjoog ee magaalada Muqdisho.

7/29/2020 2:26 AM EST
Arbaco, Luulyo 29, 2020 (HOL) - Wasaaradda arrimaha gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka ee dowladda Soomaaliya, ayaa shaacisay khasaare nafeed oo ka dhashay Roobab dabeylo watay oo ku dhuftay xeebaha koonfureed ee Soomaaliya.