4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 9 , 2020
Soomaaliya oo la sii dhax-mariyo hubka ay ku dagaalamaan xuutiyiinta Yemen

Arbaco, December, 09, 2020 (HOL) -  Koox Soomaali ah ayaa la sheegay in ay gudbiyaan hubka Xuutiyiinta ka dagaalama dalka Yemen oo laga keeno wadanka Iiraan sida  laga soo xigtay ururka caalamiga ah ee lagu magacaabo The Global Initiative.

Hubkan ayaa la sheegay in la sii mariyo  xeebaha Bari ee Soomaaliya, waxaana kala gudbisa koox Soomaali ah.

Bishii Juun ee sannadkan 2020, markab lagu magacaabo Al Bar 2, ayay ciidamada badda Sucuudiga qabteen, waxaana lagu soo warramayaa in uu siday shixnad hub ah oo uu ka soo qaaday gacanka Iraan, kuna wajahneyd maleeshiyaadka Xutiiyiinta.

"Baaritaanka ururka Global Initiative uu ku sameeyay markabka Al Bar 2, waxaa lagu ogaaday in shabakaddii ugu horreysay oo ku howlan ka ganacsiga hubka sharci darrada ah ee uu fadhigeedu yahay Soomaaliya ay ku lug leedahay hubka u kala gudbaya Iraan iyo Xuutiyiinta", ayaa lagu yiri qoraalka.

Baaritaanka noocan ah ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee arintan lagu ogaado, walina ma jiro wax jawaab ah oo ay dowladda Soomaaliya ka bixisan arintan iyada ah.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]