4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 9 , 2020
Xildhibaanno katirsan Puntland oo sharci darro ku tilmaamay dacwad laga gudbiyay
 

Arbaco, December, 09, 2020 (HOL) - Xildhibaano katirsanaa barlamaanka Puntland oo dhawaan xasaanada laga qaaday ayaa sharci darro ku tilmaamay dacwad lagasoo gudbiyay oo lagu wado in ay maalinta berito ah ka furanto Garowe.

Xildhibaanadda oo Garowe saxaafadda kula hadlay, ayaa dacwadaas ku tilmaamay mid aan waafaqsanayn sharciga islamarkaana waxay sheegeen xeer ilaaliyihii iyaga soo eedeeyay in uusan dacwada qeyb ka ahayn.

Xilldhibaanadda ayaa sidoo kale ku eedeeyay garyaqaanka guud ee Puntand oo kiiskaan la wareegay in aysan kalsooni ku qabin waxayna ku eedeeyeen inuu ku lug leeyahay kiiskaan.  

“Eedaynta xasaanada aan ku weynay, waxaa keenay xeer ilaaliyaha guud, hadeertaana waxaa muuqa in kiiskii oo markii hore ahaa dacwad ciqaabeed loo bedelay dacwad maamul, xeer ilaaliyihiina waa laga wareejiyay kiiskii, waxaan caddeynaynaa waxa meesha ka socda in ay yihiin sharci darro,” ayuu yiri xildhibaan Cabdiqani Abshir Surato.

Xildhibaan Cabdicasiis Maxamuud Gacmey oo isna kamid ah xildhibaanadda hadlay, ayaa sheegay in aysan oggolaandoonin in la xallaalaysto sharci darradii barlamaanka looga saaray, sida uu sheegay.

Waxay ugu baaqeen Isimada Puntland oo ah marjaca ugu sareeya in ay soo faro galiyaan arrintan inta aysan xaaladdu sii fogaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]