4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 6 , 2020
Dagaalyahanno aan la garaneyn oo weerarray saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada midowga Africa

 

Axad, December, 06, 2020 (HOL) –Dagaalyahanno aan heyntooda la garaneynin ayaa weeraray afar saldhig oo militari oo ku yaala koonfurta Soomaaliya halkaas oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee Soomaaliya, sida ay ku warantay sheegtay shabakada wararka ee Guardian.

Weerarradan ayaa ka dhacay saldhigyada AMISOM ee ku dhow magaalooyinka Cabdalla Biroole, Dhoobley, Janaale, iyo Ceelasha, halkaasoo ay ku sugnaayeen askarta Kenya iyo Uganda.

Ma jirro  warbixin  ku saabsan tirada khasaaraha ka dhashay weerarkan sida laga soo xigtay Guardian.

Weeraradan ayaa imanaya saacado kaddib Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu amar ku bixiyay in ku dhowaad dhammaan ciidamada Mareykanka iyo agabkoodaba laga saaro Soomaaliya horaanta sanadka 2021.

Waaxda Difaaca ayaa sheegtay in laga yaabo in qaar ka mid ah ciidamadaas dib loogu celiyo gobolada kale ee ka baxsan bariga Afrika.

Sarkaal ka tirsan Hay'adda CIAda Mareykanka  ayaa lagu dilay intii lagu jiray hawlgal ay ka fulleen ciidamada Mareykanka Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]