4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 11, 2020
Taliska militariga oo war ka soo saaray falkii lagu laayay saraakiishii ciidanka xoogga dalka

 

Jimco, December, 11, 2020 (HOL) -Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay wadaan baaritaan la xiriira dilka saraakiishii maalin ka hor lagu laayay weerarkii ka dhacay gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Gen Odawaa Yuusuf Raagge ayaa meesha ka saaray in dilka saraakiishan wax xiriir ah la laheyn aano qabiil, isaga oo taa badalkeeda sheegay in falkan uusan waxba ka duwaneyn falalka sida uu hadalka u dhigay argagixisada dadka ku leyso.

Ilaa  7 sarkaal oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa weerar gaadmo ah lagu dilay iyaga oo ku safrayay waddada isku xirta Guriceel iyo Ballanbel.

Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya marnaba ka hari-doonin baaritaanka arrintan ku saabsan ilaa la soo helo ayuu yiri dadkii ka danbeeyay falkan.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]