4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 10, 2020
Afar Askari oo lagu dilay iska horimaad ka dhacay degmada Wanlaweyn

 

Khamiis, December, 10, 2020 HOL) -  Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan degmada Wanlaweyn ayaa sheegaya in Afar Askari oo ka tirsanaa ciidanka Koonfur Galbeed lagu dilay weerar lagu qaaday barkoontarool oo ay ku sugnaayeen.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in dagaalku qarxay subaxnimadii Khamiistii maanta kaddib markii rag hubeysan ay weerar gaadmo ah ku qaadeen ciidamo k atirsan maamulka Koonfur-galbeed oo ku sugnaa bar kontorool oo ku taal Wanlaweyn sida ay warbaahinta u sheegeen goobjoogayaal.

Dagaalka ayaa socday muddo saacad ah ka hor inta aysan maleeshiyaadka isaga baxsan goobta ay ku dileen Afarta Askari.

Ma jiro wax  war ah oo ka soo baxay maamulka degmada deegaanka, iska horiamadkan ayaa daba-socday weeraro is xig-xigay oo lagu qaaday fariisimo ciidamada xooga dalka Soomaaliya ay ku leeyihiin gobolka Shabeelaha Hoose kaa soo galaaftay nolosha tobanaan ruux

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]