4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 31, 2020
Maraykanka: Soomaaliya amnigeeda waxaan ku bixinay $ 5.3 bilyan 20kii sano ee la soo dhaafay, wax natiiijo ahna kamasoo bixin
 

Isniin, Agoosto 31, 2020 (HOL) - Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay soo celinta ammaanka Soomaaliya kaligeed ku bixisay $ 5.3 bilyan 20-kii sano ee lasoo dhaafay.

ku simaha safiirka mareykanka ee UN-ka, Cherith Chalet, ayaa hadalkaan ka hor jeedisay golaha amaanka, iyadoo timaamtay  in lacagtaan faraha badan iyo natiijooyinka ka soo baxa Soomaaliya aysan haba yaraatee isu dhigmin.

“Mareykanku wali wuxuu adeegsanayay duqeymo isagoo rajeynayay inuu ku dhufto shakhsiyaadka muhiimka ah ee Shabaab– Hase yeeshee waxaa shaki la’aan ah in tallaabooyinka milatari aanu ahayn xalka kaliya ee looga guulaysan karo argigixisada Alshabab,” ayuu tiiri Cherith Chalet.

Maraykanka waxaa uu walaac xoogan ka muujiyay lacagaha canshuuraha lasiiyo Alshabaab, isagooo tusaale usoo qaatay weerarkii ugu dambeeyay ee Al-shabaab ku qaadeen hotel Elite, sheegayna in dhaqalaha weerarkaas lagu abaabulay uu yahay canshuurka Shabaab ay ka qaadaan xarumaha ganacsiga.

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sii wada tababarada ciidamada Soomaaliya iyo howlgalada duqeymo cirka ah. Sanadkaan 2020, Taliska Mareykanka ee Afrika wuxuu qaadday 46 weerar oo cirka ah si loo yareeyo qatarta Al-Shabaab.

Mareykanka, ayaa qorsheynaya inuu xalliyo istiraatiijiyadooda lagu xoojinayo Soomaaliya, isagoo adeegsandoona wadiiqooyin kale.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]