4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 25, 2020
Xasan Shiikh Maxamuud "Aniga iyo Fahad kama hadlin wax siyaasad quseeya"
 

Talaado, Agoosto 25, 2020 (HOL) - Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waxa uu faah-faahin ka bixiyay kulan xalay ay wada-yeesheen isaga iyo agaasimaha hay'adda nabad-sugidda Fahad Yaasiin Xaaji, waxa  uuna sheegay in kulankooda uusan aheyn mid siyaasadeed .

Qoraal kooban uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxa uu tilmaamay in Fahad iyo isaga keliya ay ka wada sheekeysteen arrimo ka baxsan siyaasadda Soomaaliya.

"Aniga iyo Fahad Yaasiin kama aanan hadlin siyaasadda dalka" ayuu Maxamuud ku yiri qoraalkiisa.

Kulanka dhex-maray Xasan Shiikh iyo Fahad Yaasiin ayaa waxa uu noqday mid si weyn warbaahinta dalka ay uga hadleen,  waxa uuna kusoo aaday xilli xaaladda siyaasadda Soomaaliya ay gashay marxalad kala guur ah.

Abdiaziz Ahmed Barrow,  Hiiraan Online
[email protected]