4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 9 , 2020
Qoor-qoor oo Deni iyo Axmed Madoobe ugu baaqay iney qorshe wacan la yimaadaan
 

Arbaco, September 9, 2020 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa waxa uu ku eedeeyay madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland in sababaha ay u diideen ka qeyb-galka shirkii Dhuusamareeb 3 uu ahaa in dalka uusan laheyn ra'iisul wasaare,  balse taas bedelkeeda ay Muqdisho yimaadeen arrintii ay ku doodayeen oo weli taagan.

Qoor-qoor ayaa hadalkaan waxa uu ka sheegay shirka magaalada Baydhabo uga soconaya madaxweynayaasha Hirshabeelle,  Koonfur galbeed iyo Galmudug.

Waxa uu sidoo kale usoo jeediyay in madaxda Jubaland iyo Puntland ay la yimaadaan qorsheyaal cad iyo aragti xajmi leh,  sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa kusoo aadaya xilli hoggaamiyayaasha Jubaland iyo Puntland lagu wado iney qeyb ka noqdaan shirka maamul goboleedyada dowladda dhexe iyo  Gobolka Banaadir uga furmaya dhowaan magaalada Muqdisho.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]