4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 6 , 2020
Puntland oo 25,000 neef oo Geel ah u dhoofisay dalalka Khaliijka
 

Axad, September 6, 2020 (HOL) - Puntland ayaa xalay dekeda magaalada Bosaso ka dhoofisay 25,000 neef oo Geel ah, oo ku wajahan wadamada Khaliijka.

Xoolahaan la dhoofiyay ayaa waxay qeyb ka yihiin malaayiin xoolo ah oo si joogto ah looga soo daabulo Soomaaliya, iyadoo loo dhoofiyo dalalka kuyaala Bariga Dhexe.

Sida laga soo xigtay UN-ka FAO xoolaha Soomaaliya waxay 40% ka yihiin wax soo saarka guud ee Soomaaliya.

Xoolahaan ayaa inta badan loo iibgeeyaa suuqyada Sacuudiga, Imaaraatka iyo Cumaan oo ah wadamada ugu horeeya ee xoolaha ka iibsada Soomaaliya.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa sanadkan si kumeel gaar ah u qaadday xayiraaddii ay saartay dhoofka xoolaha Soomaaliya laga dhoofiyo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]