4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 21, 2020
Dagaal xoogan oo u dhexeeya ciidamada xoogga iyo Al-shabaab oo ka socda Galgaduud
 

Isniin, September 21, 2020 (HOL) - Ciidamada Xoogga dalka qeybta 21-aad ayaa la sheegay inay Al-Shabaab ka saareen deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud, kadib dagaal xoogan oo halkaas ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab.

Deegaanada dowladdu la wareegtay waxaa ka mid ah, Bulacle, Xirsi-fiin, Cada-xaar, Ceel-guureeye iyo God-dhurwaa, kuwaas oo koofur kaga beegan magaalada Dhuusamareeb.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay, dagaalka oo bilowday saaka aroortii inuu weli socdo Ciidamaduna ay ku sii dhawaanayaan deegaanada Ceel-lahelay iyo Ceel-garas oo Al-shabaab gacanta ku hayaan 10 sano.

Saraakiil katirsan ciddanka xoogga ayaa warbahinta ku hadasha afka dowladda u sheegay in ay Al-shabaab gaarsiiyeen jab aad u xoogan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]