Somaliland oo iska fogeysay inay qeyb ka tahay hannaanka doorashada Soomaaliya
Isniin, September 21, 2020 (HOL) - Soomaaliland ayaa sheegtay in aysan ka qeyb galayn doorashooyinka soosocda ee Soomaaliya, iyadoo farriin gaar ah u dirtay ururada iyo wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya ee la isku yiraahdo beesha caalamka.
Somaliland ayaa bayaan ay soo saartay waxay uga digtay dowladda Soomaaliya iyo siyaasiyiinta, in aysan ku habaabin bulshada caalamka in Soomaaliland ay qeyb katahay hannaanka doorashada ee Soomaaliya.
Heshiiskii doorashada ee dhawaan lagu gaaray magaalada Muqdisho waxaa qeyb ka ah wakiilada matalaya Somaliland ay doorashadooda ka dhacdo Muqdisho.