Diyaarad ku dhacday garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho
Sabti, September 19, 2020 (HOL) -
Diyaarad nooca xamuulka
qaadda oo kusii jeedday magaalada Beledweyne ayaa cilad farsamo oo ku
timid awadeed kusoo dhacday garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.
Ma jiraan khaasaare
nafeed oo ka dhashay, waxaana lagasoo badbaadiyay 4 qof oo
saarneyd, sida HOL ay u sheegeen Ilo wareed ku sugan madaarka magaalada
Muqdisho.
Waxay hadda taallaa meel aan aheyn dhabbaha diyaaradaha ay ka deggaan.
Sii-hayaha
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya,Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa
wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA u sheegay in loo gurmaday dadkii
diyaaradda saarnaa, balse muu sheegin nooca ciladda farsamo ee diyaaradda
heshay.
Diyaaraddan ku dhacday
garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaa lahayd shirkadda Sky ward ee dalka Kenya,iyadoo sidday agab ay lahaayeen ciidammada Amisom.
Soomaaliya waxaa aad igu kordhaya bishii dembe shilalka diyaaradaha
dalka, kuwaas oo dhammaantood la sheegay in la baarayo, balse weli
aan wax natiijo ah oo kama dambeys ah lagama soo saarin.
Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
Barrow@hiiraan.com