3/13/2025
Today from Hiiraan Online: Somali MPs to summon deputy minister over Al-Shabaab allegat...
Wararka Maanta- Sabti, Sept 19, 2020
Tartankii Kubadda cagta Kooxaha heerka koowaad oo Beledweyne lagu soo gabagabeeyay
thumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnail


Sabti, September 19, 2020 (HOL) - Kooxda kubadda cagta Fc Dayax Power Supply ayaa shalay ku guuleysatay tartankii koobka heerka koowaad ee ay soo qaban qaabiyeen xiriirka kubadda cagta magaalada Beledweyne kaaso ay ka qeyb qaadateen 8 kooxood oo heerka koowaad ah kana dhisan afarta xaafadood ee magaalada Beledweyne

Tartankan waxaa taaba galisay Shirkadda korontada Dayax Power Supply waxaana ku guuleysatay kooxda ku mataleysay magaca shirkadda ee Fc Dayax Power Supply.

Duqa magaalada Beledweyne Nadar Tabaax maalin ayaa koobka gudoonsiisay kooxda Fc Dayax waxeeyna ballan qaaday in tartamo badan aay u qaban doonaan kooxaha degmada ka dhisan.

Guddoomiyaha ururka kubadda cagta degmada Beledweyne Cabdi Casiis Jaaburi iyo gudoomiyaha kubadda cagta gobolka Hiiraan Cali Maxamed Cabdi (Cali Shaal) ayaa sheegeen iney sii wadi doonaan dadaalada ay ku hormarinayaan sports-ka gobolka Hiiraan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
jamaal@hiiraan.com