Hiiraan Online
1/9/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Sabti, Sept 12, 2020
Uganda oo dib u soo celisay isku bedelka ciidamadeeda nabad ilaalinta ee Soomaaliya
Sabti, September 12, 2020 (HOL) - Ugandha ayaa dib u bilawday isku beddelka ciidamadeeda nabad ilaalinta ee militariga ayaa sheegay.
Taliyaha Ciidamada Difaaca (CDF) Gen. David Muhoozi ayaa sheegay in Ciidamada Difaaca Dadka ee Uganda (UPDF) iyo Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ay dhiseen awood ay ku xakameynayaan faafitaanka cudurka cusub ee coronavirus.
Uganda waxay hadda Soomaaliya geysay 1,800 qof oo isugu jira ciidamo iyo shaqaale.
Ciidamada difaaca Uganda iyo AMISOM waxay hakiyeen dhaqdhaqaaqyadii ciidamada ee ka imaan jiray ama ka bixi jiray aagga howlgalka bishii Maajo, iyadoo ahayd tallaabo ilaalin xoog leh oo lagula dagaallamayo faafitaanka COVID-19.
Uganda waxaa Soomaaliya ka jooga in ka badan 6,000 oo askari oo ka hoos shaqeeya AMISOM iyo in ka badan 100 sarkaal oo ku sugan Equatorial Guinea.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]