Arbaco, October 7, 2020 (HOL) - Taliska ciidanka gobolka Gedo ayaa mamnucay in dadku garsoor u dooontaan maxkamadaha Al-shabaab ee kuyaala gobolkaas iyo gobolada kale ee deriska la ah.
newsinsideTaliyaha booliiska Baardheere oo saxaafada u aqriyay go’aanka ayaa sheegay qofkii Al-shabaab cadaalad u doonta inuu iyaga katirsan yahay hay’addaha amniguna ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadidoonaan.
“Qofkii dhulka dowladda ka taliso ka taga oo A-lshabaab u doonta garsoor, wuxuu lamid yahay Al-shabaab.
Taliyaha ayaa sheegay inay jiraan dad maskixiyan u aamisan Al-shabaab islamarkaana qalad ka fahansan dowladnimada.
Dowladda Soomaaliya ayaa horey u mamnuucday in Al-shabaab cadaalad loo raadsado, balse weli go’aanka dowladda ma dhaqan galin, waxaana u sabab ah iyadoo weli garsoorka Soomaaliya aan kalsooni dadku ka qabin.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]
[email protected]