Arbaco, October 7, 2020 (HOL) - Madaxweynahii hore ee maamul goboleedka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa si adag u dhaliilay jiritaanka guddiga doorashooyinka maamulka Hirshabelle iyo jadwalka doorashooyinka ay soo saareen.
newsinsideCali Cabdullaahi Cosoble oo la hadlayay Warbaahinta ayaa tilmaamay in guddiga farsamadda ee soo xulaya Xildhibaanadda labaad ee Hirshabelle yihiin ciyaal laga soo magacaabay hal xafiis.
Cosoble ayaa sheegay in guddiga farsamadda dhamaantood yihiin ciyaal kawada tirsanaa xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Guudlaawe.
Waxuu sidoo kale sheegay Cali Cabdullaahi in Hirshabelle aysan wali ka muuqan hanaankii loogu diyaar garoobi lahaa doorasho dhacda oo wali waxaa muuqata in shacabka reer Hiiraan aysan ku qanacsanen hanaanka ay wax u socdaan.
Madaxweynahii hore Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa yiri"Hirshabelle iyadoo meyd ah ayeey qabriga ku baxsan la'adahay"

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]