4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 30, 2020
Xukuumadda oo sheegtay in laga bilaabo bisha soo socta gud-gali doonaan howlaha doorashooyinka

 

Jimco, October, 30, 2020 (HOL)-  Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in laga bilaabo bisha soo socta ay guda-gali doonaan howlaha doorashada madaama uu waqtigu gabaabsi yahay.

Wasiirka Wasaarradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in maamul gobolleedyada qaarkood soo gudbiyeen guddiyadii doorashada ee laga sugayay taasoo sahli doonta ayuu yiri in la sii guda-galo howlaha doorashada.

''Howlaha ugu adag ee hadda horyaala Xukuumadda cusub ayaa ah suggida Amniga dalka iyo goobaha ay doorashadu ka dhaceyso'' ayuu yiri Wasiirka.

Wasiir Dubbe ayaa sheegay in hadda dawladdu wado qorshihii lagu sugi hawlaha Amniga, oo sida uu hadalka u dhiggay ah mas'uuliyad adag oo loo baahan yahay in ay dowladdu qaadato..

Madaxtooyada Soomaaliya iyo madaxda dowlad gobolleedyada ayaa ku heshiiyay doorasho waqtigeeda ku dhacda iyadoo guud ahaan marka la eego muddo xileedka dowladdan uu ku eg yahay 8da Feberaayo ee sanadka 2021ka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]