4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 27, 2020
Xulka gobolka Sool oo u anbabaxay Hargeysa iyo taliyaha ciidanka Asuulbta oo u digey saxaafada


Talaado, October, 27, 2020 (HOL) - Xulka kubada cagta gobolka Sool ayaa u anbabaxay magaalada Hargeysa si ay uga qayb galaan tartanka ciyaara gobolada oo bilaabmi 28 bishan sida uu sheegay Maxmuud Askar isuduwaha Ciyaaraha.

"Waxaad sidataan magaca gobolka, waxaa laydiinka baahan yahay asluub iyo akhlaaq, inaad badisaana waa laydinka rabaa, hadii aad badin weydaana tababar adag ayaa laydiin furi doonaa markaad soo laabataan" sidaana waxaa yidhi gudoomiyaha gobolka Sool Cabdiqani Maxmuud Jiidhe oo maanta markay baxayeen la sii dardaarmayey.

Isuduwaha Wasaarada oo halkaasi hadal kooban ka soo jeediyey ayaa waxa uu aad ugu mahad celiyey ganacsatada isagoo carabka ku dhuftay shirkada Sacaada Bas oo gaadiidka ugu deeqday.

Dhinaca kale taliyaha ciidanka Asluubta gobolka Sool G/le Maxamed Hawre ayaa eedayn u soo jeediyey warbaahinta oo uu sheegay in ay baahiyeen in lagala baxay rag gacan ku dhiiglayaal ah shalay.

"Ma jirto wax dhib ah oo ka dhacday xabsiga magaalada Laascaanood waa degan tahay hawshiisuna si wanaagsan ayay u socotaa, waxaan u soo jeedinayaa warbaahinta in ay warka ay tebinayaan hubiyaan" sidaana waxaa yidhi Hawre oo intaas ku daray digniin uu sheegay in ay talaabo ka qaadayan warbaahinta gafkan oo kale ku kaca.

Dhaleecayntan ayaa timi kadib markii shalay lala baxsaday ninman dil geystey oo  ciidanka booliskuna hayeen.

Synab Cabdi Warsame
[email protected]
Laascaanood