4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 7 , 2020
R/W Abiy Ahmed "Duqaynta cirku way soconaysaa ilaa lawiiqayo awoodda ciidan ee TPLF"
 

Sabti, November, 07, 2020 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya ayaa maalinimadii shalay mar uu shir jaraa'id ku qabtay Xafiiskiisa sheegay in duqaynta cirka ee ay fulinayaan Ciidamada cirku ay soconayso ilaa la wiiqayo awoodda ciidan ee TPLF.

Geesta kale waxa uu sheegay in Ciidamada cirka ee Itoobiya ay burburiyeen meelo lagu kaydinayay hubka culus oo uu sheegay inay adeegsan rabeen ciidanka maamulka degaanka Tigray.

Ma jirto wax war ah oo wali kasoo baxay dhanka maamulka degaanka Tigray oo ku saabsan hawlgalladan u dambeeyay ee ay fuliyeen ciidamada cirka ee dawladda Itoobiya.

Wariye ka tirsan VOA laanta Af Axmaariga oo ku sugan degaanka Tigray ayaa sheegay in Magaalada Maqale ay haatan deggan tahay, Korontada oo maalmihii u dambaysay ka maqnayd magaaladana ay dib ugu soo laabatay, sidoo kale isu socodka magaalada dhexdeeda iyo magaalooyinka kale ee isla degaankaasi dib loo furay, inkastoo xaalad degdeg ah lagu soo rogay degaanka Tigray ay wax badan xadidayso hadana wariyuhu waxa uu sheegay in xaaladdu ay si tartiib ah usoo noqonayso.

Abdilahi Jawhar,
Hiiraan Online