3/2/2025
Today from Hiiraan Online: Somalia s electoral commission sets dates for two lower hous...
Wararka Maanta- Jimco, Nov 6 , 2020
Galmudug oo qaadeysa howlgal ka dhan ah Al-shabaab

 

Jimco, November, 06, 2020 (HOL) -Wararka naga soo gaaraya qeybo ka mid ah deegaannada Galmudug ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay halkaa ka waddaan dhaqdhaqaaqyo militari oo ka dhan ah xoogagga Ururka Al-shabaab.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa ku bogaadiyay ciidamada howlgal saacadihii ugu danbeeyay ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka oo ay gacanta ku hayeen dagaalamayaasha Ururka Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa gacanta ku haya oo maamula qeybo ka mid ah gobolka Galguduud iyo Mudug, waxaana howlgalkan la sheegay in uu salka ku hayo sidii deegaannadaa looga saari lahaa Al-shabaab.

Dhinaca kale maamulka Galmudug ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaallo beelleedyada ku soo noqnoqday qeybo ka mid ah Galguduud iyo dilalka la xiriira aanooyinka Qabiil.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com