4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 14, 2020
Itoobiya oo qaar ka mid ah ciidamadeeda kala baxeysa Soomaaliya

 

Sabti November, 14, 2020 (HOL)-  Itoobiya ayaa dib ugala baxeysa Soomaaliya kumanaan askari oo ka tirsan ciidamadooda la dagaalamaya Ururka Al-shabaab,  iyaga oo ku biiraya dagaalka ka soconaya gobolka Tigreyga oo ah mid cirka isku sii shareeray,

Ciidamada ay Itoobiya u yeertay oo tiradoodu ay gaareyso 3,000  ayaa ah askarta Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya ee hoos yimaada taliska 5,000 oo ka socda dowladda Itoobiya oo ka tirsan howlgalka  nabad ilaalinta Midowga Afrika.

Itoobiya ayaa waxaa dalka Soomaaliya ka jooga kumanaan ciidamo ah oo ka howlgala koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya kuwaa oo dowladda ka caawiya dagaalka ka dhan ah Al-shabaab.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]